Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay in doorashooyinka ay ku dhci doonaan...

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay in doorashooyinka ay ku dhci doonaan waqtigii loogu talagalay

SHARE

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay in doorashooyinka ay ku dhci doonaan waqtigii loogu talagalay, haatana ay socdaan u diyaar garowga aqalka hoose ee Baarlamaanka…

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in sida ay wax u socdaan ay tahay tallaabo fududeyneyso qabsoomidda doorashooyinka, waxaana uu intaa ku daray in aqalka sare ay soo gabo gabowday inta badan.

“Waan u hambalyaynayaa dhammaan dowlad goboleedyada ku guuleystay doorashada xubnaha aqalka sare, waxaa hadda socda dadaallada ku aadan soo xulista ergooyinka dooran lahaa aqalka sare, sida ay hadda wax u socdaana waa tallaabo horumar leh, waqtigii loogu talagalay oo ah in 30 November Madaxweyne lagu doorto, waan ku rajo weynahay” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in aqalka hoose uu si rasmi ah u bilaan doonto 23ka bishan, isagoo intaa ku daray in hanaanka doorashooyinka ay ka duwantahay tii sanadkii 2012-ka.

LEAVE A REPLY