29 Qof Ajaanib ah oo Maanta laga dhoofinayo Gaalkacyo

29 Qof Ajaanib ah oo Maanta laga dhoofinayo Gaalkacyo

SHARE

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo Heystay Markab Lagu Magacaabo Nihaam3 ayaa sii daayay dad gaaraya 29 qof oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen kaddib markii ay lacago madax furasho aad u badan ay ka qaateen.

Markabkan oo Burcad Badeeda ay Qabsadeen Sanadkii 2012 Ayaa la Sheegaya in la Siiyay lacag Madax Furasho Waxana Markabkaasi Saarna Shaqaale u Badnaa Wadanka Shiinaha iyadoona Markabkaasi uu ahaa Mid Ganacsi

Cabdinur nin ku sheegay Magaciisa ayaa u sheegay Warbaahinta Muqdisho in uu ka mid yahay dadka qaatay Madax furashada , waxaana uu sheegay intii ay gacanta ku hayeen dadkaan in ay dhinteen Qaarkood.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in maanta lagu wado in dadkaasi laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Oshaako ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shaqalaha ayaa waxaa ay ka Koobanyihiin Tiro Ahaan 29 Qof kuwaasi oo hamenkii xalay ahaa la keenaya Magalada Gaalkacyo,

LEAVE A REPLY