Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle oo la kulmay

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle oo la kulmay

SHARE

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay kulamo ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo waliba qaar ka mid ah Bulshada oo uu horkacayay Ugaas Xasn Ugaas Khaliif.

Madaxweyne Cosoble ayaa xalay ku hoyday magaalada Baladweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan, waxaana qaar ka mid ah qabaa’ilada deegaanka ay ka soo horjeedan maamulka lugu dhisay Jowhar, taaso sabab u ah booqashada madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle.

Gudoomiye ku xigenka dhinaca arrimaha bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in kulamadan ay yihiin kuwo la isku afgartay.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayay ay gaareen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waa booqashadii ugu horreysay oo madaxweynaha maamulka labada gobol uu ku tagayo magaalada Baladweyne oo ay ku sugan-yihiin odayaal diidan maamulka.

LEAVE A REPLY