Puntland iyo Galmudug oo Wadahadalkii xal u helidda Gaalkacyo ku kala tagay

Puntland iyo Galmudug oo Wadahadalkii xal u helidda Gaalkacyo ku kala tagay

SHARE

Waxaa wali isku hor fadhiya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku hardamaya Duleedka Gaalkacyo.

Xaaladda magaalada ayaa saaka ah mid dagan hadana waxaa mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan Labada Ciidanka ee dirirtu ka dhexeyso.

Waan waan iyo wadahadalo hoose oo u dhexeeyay Wasiiro labada dhinac ay iska soo kala xuleen ayaa lagu kala tagay kadib amrkii la isku fahmi waayay halka uu wadahadalka ka dhacayo iyo cida wadahadleysa.

Puntland ayaa soo jeediyay in wadahadalka ka dhoco Gaalkacyo maadaama ay tahay halka dirirtu ka dhacday ayna wada hadlaan Odayaal wakiil ka ah labada dhinac.

Galmudug ayaa dhankeeda qabta in lagu wadahadlo meel ka baxsan Goobta Colaada,waxey Galmudug soo jeedisay in wadahadalka loo soo wareejiyo Magaalada Muqdisho.

Wasiiradii labada dhinac oo shirarkoodii hore Telifoon ku koobnaa ayaa tiina burburtay,waxaana isla shalayba Magalada ka dhacay Dagaal la isku adeegsaday Hub culus.

LEAVE A REPLY