Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxda Maamul Gobolleedyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxda Maamul Gobolleedyada

SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu hambalyeeyey Madaxda iyo Baarlamaannada Maamul Gobolleedyada, Gal-mudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland tallaabadii dimoqraadiyadda aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya ku doorteen.

“Waxaan marka hore ugu hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanada Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug doorashooyinkii ay ku doorteen xubnihii u matalayey Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ammaan iyo mahadcelin naga mudan Madaxda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanada xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee Dalka ee matali lahaa Maamul gobolleed walba” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxa kaloo uu sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay taariikh cusub “waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay, Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan Dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida Dimoqraadiyada ah oo ay Baarlamaanada Mowlad gobolleedyada u soo xusheen dumarka ka mid noqday xubnaha Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016-ka oo ay Maamul Goboleedyada, Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Maamul Gobolleed ay kala shaqeeyaan inay doorashooyinka dib u dhicin isla markaaan u qabsoomaan sidii loogu talagaley.

LEAVE A REPLY