Idaacadda Shabeelle Oo Is Barbar Dhig Ku Samaysay Jaalle Siyaad Iyo Madaxweyne...

Idaacadda Shabeelle Oo Is Barbar Dhig Ku Samaysay Jaalle Siyaad Iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

SHARE

Idaacadda Shabeele oo saaka soo gudbinaysay taariikhdii Kacaankii Barakaysnaa ee dalka soomaaliya ka curtay sanadka markii uu ahaa 1969kii, ayaa waxa ay is barbardhig ku samaysay labada madaxweyne ee kala ah Marxuum Maxamed Siyaad Barre iyo Madaxweynaha haatan dalka Soomaaliya xukuma ee Xasan sheekh Max’uud.

ka dib markii ay in badan ka sheekaysay Idaacadda Shabeelle wax tarkii Kacaanka iyo iyo waxyeeladiisii, ugu dambayntiina soo qaadatay laba qudbadood oo gaagaaban oo ay kala jeediyeen labada Madaxweyne, oo ay kaga kala hadlayeen qadiyadda Soomaali galbeed iyo waxa ay ka kala Aaminsan yihiin labada Mudane.

Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu yiri: Ilaaheey ayaa geyigaan geeska Afrika ku wada beeray labada dawladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya, sidaas darteed ma haboona in ay kala sii haystaan dhul iyo dad aysan xaq u lahayn midba tan kale waxaana waajibku yahay in Dawladda Itoobiya ay iska iloowdo wixii Gumaystihii Caddaa uu u dhacay ee ay Soomaaliya Milkiyadda u leedahay, isla markaana ay ka wada hadlaan wixii xurguf ah ee u dhaxaysa labadaas dal oo daris ah, haddii ay ka fursan waydana waa lagama gudbaan in birta la iska aslo.

halka uu Madaxwene Xasan sheekhna ka yiri qadiyadaas mar uu ka hadlayey; “waxaa dhulka soomaalida ee kilinka 5aad aan tagnay dabayaaqdii sanadkaan ka dib markii aan casuumaad ka helnay maamulka halkaas ka jira, waxaan halkaas ku soo aragnay nolol aad u wanaagsan oo ay ku naaloonayaan dadka ku dhaqan Kililka 5aad, sidaas darteed dadka haatan ku baaqaya in dhulkaas la xoreeyo waa dad aan u danaynaynin ama aan ka naxaynin qoonka halkaas ku nool, dawlad ahaan iyo shacab ahaana ma taageerayno colaad wax yeelaysa dadka halkaasi ku dhaqan.

haddaba si aan u ogaano xaqiiqda runta ah waxaa lagama maarmaan ah in marka hore la kala ilaaliyo isbarbardhigga aan is qabanaynin, midda kale labada qudbo ee labada Madaxweyne mid kastaa waqtigeeda ayay ku saxsanayd mana la dhihi karo middood ayaa ka tarjumaysa Soomaalinimada saxda ah tan kalana waxay ka hor imaanaysaa Danta runta ah ee Soomaalida

waa taas xaqiiqda runta ah waana kaas ka fogaanshaha wax aan jirin in la isku eedeeyo, isla markaana la bixiyo tafsiir qaldan iyada oo laga duulayo Eed la tirsanaayo, ee ay gaysteen Maamul mideeysan oo aad u baaxad wayn.

 

LEAVE A REPLY