Human Rights watch oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday in wax laga qabto...

Human Rights watch oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday in wax laga qabto Dhibaatooyinka Suxufiyiinta

SHARE

Gudaha Soomaaliya oo weerar kaga socda Xoriyadda Warbaahinta ayaa Cinwaan looga dhigay warbixin laga soo saaray HRW, waxayna Hay’addu kaga hadashay tacadiyadii ugu Dambeeyey ee ay suxufiyiintu kala kulmaan Gudaha Soomaaliya.

Hay’adda u dooda Xuquuqda aadanaha Human Rights watch waxay walaac wayn ka muujisay dibindaabyada lagu hayo warbaahinta Madax Banaan ee ka shaqaysa Soomaaliya gudaheeda.

Hay’adda Sooma hadal qaadin dhibaatooyinka iyo gawraca lagu hayo wariyayaasha Idaacadda Dawladda,laakiin warbixinta waxay qoraalkeeda ku caddeysay, falkii xarigga ahaa ee loo gaystay Tafatiraha wargayska Xogogaal Cabdi Aadan Guuleed iyo wariyaha kale ee taleefishinka Al Jasiira iyo Laba Sawir Qaade Iyo qof kala tuse jid ahaa oo la socday.

Hay’addu waxay kaloo sheegtay in haatan la sii daayey warfidiyeenkaas iyaga oo in muddo ah u xirnaa hay’adda dambi baarista ee NISA .

Waxay warbixintaan hay’adda xuquuqda Aadanaha ka soo saartay xaruntooda ku taal Newyork ee dalka Maraykanka.

Sidoo kale waxay warbixinta Toosh Lix qaad ah ku Ifisay in ay Dawladda Soomaaliya aysan soo qabanin weli dadkii ka dambeeyey dilkii C/casiis Max’ed Cali Xaaji oo ka tirsanaa Warfidiyeenka Idaacadda Shabeele.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo Falalka Handadaada iyo Carqaladeynta ee ay Ciiddanka Sirdoonka ku hayaan Weriyayaasha, QM waxay diiwaan-gelisay in 30 Saxafi lagu dilay dalka Soomaaliya laga bilaabo 2012 ilaa iyo 2016-ka.

LEAVE A REPLY