Dowladda Koonfur Afrika oo wado qorshihii ay uga bixi lahay Maxkamadda ICC

Dowladda Koonfur Afrika oo wado qorshihii ay uga bixi lahay Maxkamadda ICC

SHARE

Dowladda Koonfur Afrika ayaa si rasmi ah u bilowday hanaankii ay kaga bixi lahayd ka mid ahaanshaha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC).

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika oo helay xogo muhiim ah ayaa baahinaya in Dowlada Koonfur Afrika ay dooneyso in ay ka baxdo Maxkamadda Caalamiga ee ICC, fadhigeedu yahay magaalada Higue ee dalka Holland.

Wararku waxay intaa ku darayaan in diblomaasiyiinta dalkaasi ku wargeliyeen Qarmada Midoobay tallaabadan ay qaadayaan waxaanay ku eedeeyeen ICC-da in ay ka xagliso dalalka Afrika.

Sannadkii hore waxay Koonfur Afrika diidday in ay xirto madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir, oo ka qayb galayay shir-madaxeedkii Midowga Afrika oo ka socday dalka South Africa gaar ahaan magaalada Johannesburg.

Cumar Xasan Al-Bashiir waxay maxkamadd ICC-du ku eedaysay xasuuq iyo dembiyo dagaal, balse Al-bashiir waa uu beeniyay eedaymaha ah in uu xasuuq ka geystay gobolka Daarfuur ee dalka Sudan.

“Jamhuuriyadda Koonfur Afrika waxay garawsatay in xilka ay iska saarto sidii si nabdoon xal loogu heli lahaa colaadaha jiraa aanay mararka qaarkood is waafaqayn fasiraadda sharci ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga” ayaa lagu sheegay qoraalka Koonfur Afrika gudbisay.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Koonfur Afrika midkoodna ilaa haatan si rasmi ah uma xaqiijin wararkan warbaahintu qortay, balse waxa kale oo soo baxaya aragtiyo kala duwan oo xaga sharciga ah oo ku saabsan in Koonfur Afrika ka bixi karto ka mid ahaanshaheeda ICC-da iyada oo aan baarlamaanku ansixinin tallaabadaa.

Tallaabadan ay Koonfur Afrika qaaday waxay soo baxday todobaad uun ka dib markii uu madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, uu booqasho ku tagey Kenya oo ah dal aad u dhaliila ICC-da tan iyo markii dacwad oogaha maxkamaddu madaxweynah dalkaas, Uhuru Kenyatta, ku eedeeyay dambiyo bani’aadannimada laga galay.

LEAVE A REPLY