Dowladda Imaaraadka Carabta oo saldhig milatari ka dhisanayaysa Somaliland

Dowladda Imaaraadka Carabta oo saldhig milatari ka dhisanayaysa Somaliland

SHARE

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa ka hirgelinaysa magaalada Berbera ee Soomaliland, sida uu sheegay Wasiirka duuliska hawada Soomaaliland.

Qorshahan ayaa ku soo aaday xilli magaalada Berbera ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo caalami ah oo maalgashi, kuwaas oo diiradda lagu saarayay dekedda iyo garoonka diyaaradaha, iyadoo horay heshiis maalgashi oo muddadiisu 30 sanno tahay  la gashay shirkadda DP-World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Qaar ka tirsan Siyaasiinta Soomaaliland ayaa sheegay qorshaha dowladda Imaaraadka Carabta inuu colaad galin karo Soomaaliland,isagoo marka leh Imaaraadka Carabta saldhigga cid gaar ah ayay u  sameysanaya.

Wasiirka arrimaha dibadda,waxaa kalo uu sheegay inaysan Imaaraadka Carabta marna ka aqbali doonin inay ka dagaallanto badaha Soomaaliland,maaddama hadda ay hirgalinayso saldhig ciidan.

Siyaasiyiinta Soomaaliland ayaa kula talinaya xukuumadda Hargeysa inay ku badalato heshiisyada caalamiga ah madax banaani ay ka hesho Soomaaliya,taas oo haddii ay dhici waydo ay ku sheegen mid muujinaysa Soomaaliland inay iib-tahay,sida uu yiri Cabdirixmaan Xuseen Cadami.

Heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliland ay la-galayso waddamada caalamka waxaa horay uga soo horjeesatay dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya,laakin Soomaaliland ayaa ku an-dacoonaysa inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya intiisa kale.

LEAVE A REPLY