AMISOM oo raalli-gelin ka Bixisay dil iyo dhaawac ay u geysteen Muwaadiniin...

AMISOM oo raalli-gelin ka Bixisay dil iyo dhaawac ay u geysteen Muwaadiniin Soomaaliyeed

SHARE

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciiddanka Afrikaanka ee Hawlgalka AMISOM ayaa lagu muujiyey Raalli-gelin ku aadan Fal ay Ciiddankaasi Arbacadii la soo dhaafay ku dileen Muwaadin Somali ah, kuna dhaawaceen 2 kale meel ku dhow Xero ay AMISOM ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay inay Toogashadaasi dhacday Arbacadii la soo dhaafay,. Kadib, markii gaari ay la socdeen Qandaraaslayaal Rayid ah lagu joojiyey Xeradda, si loogu sameeyo baaritaan, iyadoo mid ka mid ah Askarta waday baaritaan uu si kedis ah u toogtay Qandaraaslayaasha watay gaariga, waxaana halkaasi ku geeriyooday Dareewalkii, halka labo kalena lagu dhaawacay.

Taliska AMISOM waxay sheegeen inay Toogashadaasi tahay dhacdo nasiib-xumo ah, isla markaana la baarayo shilkaasi, waa sida lagu xusay Qoraalka, mana aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka AMISOM dilaan Muwaadiniin Soomaali ah, waxaana jirta in bilowgii bishan ay Ciiddanka AMISOM 6 qof oo rayid ah ku dileen duleedka Degmadda Afgooye.

Sidoo kale, dhamaadkii bishii June ee sanndkan. Ciiddanka Ethiopianka ee qeybta ka ah Hawlgalka  AMISOM waxay 14 qof oo Rayid ahaa ku dileen duleedka magaalladda Baydhabo, waxaana baaritaan ay bishii July sameeyeen AMISOM ay ku sheegeen in dadkaasi lagu dilay is-rasaasayn dhex martay Ciiddanka Ethiopianka iyo Xarakadda Alshabaab.

Sidoo kale, Ciiddanka AMISOM waxay bishii April toogteen 4 qof oo rayid ah oo ay AMISOM sheetgtay inay si qalad ah u toogteen, kadib, markii ay dadkaasi uga shakiyeen inay ka tirsan yihiin  Alshabaab.

LEAVE A REPLY