AMISOM oo Qarax lagula eegtay Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho

AMISOM oo Qarax lagula eegtay Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho

SHARE
Peacekeepers from the African Union Mission to Somalia (AMISOM) patrol around Hodan district in the capital Mogadishu February 23, 2011, during clashes between Islamist insurgents and government troops in south Mogadishu. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: MILITARY CIVIL UNREST)

Ciidamo ka tirsan AMISOM, ayaa qarax lagula eegtay wada warshadaha ee magaalada Muqdisho xilli, waxaana qaraasi ku dhaawacmay 1 ruux oo rayid ah iyadoo wax qasaaro ah uusan soo gaarin ciidamadii lala eegtay qaraxa.

Qaraxa oo ka dhashay Miinada Nuuca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog oo wada dhinaceeda lagu aasay ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Xera Jarmal oo ku taalla Wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Xilliga qaraxa uu dhacayey waxaa goobta marayey gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM waxaana qaraxu uu dhacay markii ay ciidanka iyo gaadiidkoodu gudbeen qaraxa ayaana qabsaday sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen mooto bajaaj meesha maraysay xilliga qaraxu uu dhacayey waxaana ku dhaawacmay darawalkii mootada watay.

Wada warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada waxaana aad u isticmaala Ciidanka AMISOM dhawr marna waxaa ka dhacay qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo AMISOM sidoo kale qaraxyada qaar ayaa waxyeelo u geysta dad rayid ah oo ka ag dhaw goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan ee wada warshadaha.

LEAVE A REPLY