Morgan oo waayay ka mid noqoshada Xubnaha aqalka Sare

Morgan oo waayay ka mid noqoshada Xubnaha aqalka Sare

SHARE

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in doorashadii Aqalka Sare loogaga guuleystey Jenaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan.

Moorgan waxaa la tartamayay Bootaan Bare Samatar waxa uuna helay bootaan 38 halka General Moorgana uu helay 27 cod.

sidoo kale Maxamuud Axmed Maxamuud ayaa ku guulaystay kursiga 9-aad ee aqalka sare waxaana uu helay codad gaaraya 56 cod halka Faadumo Siciid Maxamed ay heshay codad gaaraya 8 cod.

Dhowaan ayaa wakiilka qaramada Midoobay waxa uu codsaday in laga saaro liiska musharixiinta ragga hore ugaga soo qeybqaatay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya.

Xubnaha u matalaya Maamulka Puntland Aqalka sare ayaa gaaraya 11 xubnood, waxaana ay ku biireysaa Maamulada Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo soo dhameystiray Wakiilada u matalaya Aqalka sare.

LEAVE A REPLY