Maareeye oo ka hadlay Sababta loo xiray Wariyeyaasha Al Jazeera

Maareeye oo ka hadlay Sababta loo xiray Wariyeyaasha Al Jazeera

SHARE

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Xayir, ayaa ka warbixiyay sababta dhabta ah ee loo xiray Wariyaasha ka tirsan Al-jaxeera ee dhawaan lagu xiray magaalaga Muqdisho.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in aanay markii hore ka warqabin qaabka ay dalka ku soo galeen, isagoo xusay in markii ay yimaadeen dalka ay aadeen deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Maareeye ayaa yiri: “Wariyeyaasha markii hore dalka waxay ku soo galeen, iyadoo aan laga war qabin, markii ay imaadeen waxay aadeen deegaanada ay ka taliyaan Argagixisada, waxaa laga shakisan yahay oo su’aalo laga weydiinayaa qaabka ay dalka u yimaadaan hadii ay wariyeyaal sheegteen iyo hadii kale, sida ay ku heleen xiriirka Madaxda Al-Shabaab oo ay la soo kulmeen, iyagoo tagay deegaano aad u fog fog ah”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliye, Mudane Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in Wariyeyaashan ka tirsan Al-Jazeera ay wataan xog hal dhinac ah, isla markaana dhinna dowladda ay iska qariyeen, arrintaasna su’aalo laga weydiinayo kaddib la dayn doono.

“Waxay doonayeen inay baxaan iyadoo aanay dowladdu ogeyn inay baxaan, iyagoo wata xog hal dhinac ah,iskana qariyay dhinaca dowladda, waxyaabahaas ayaa su’aalo laga weydiinayaa marka hey’adaha amniga su’aalaha dhameystaan waa la sii deynayaa” ayuu yiri Maareeye.

Dhawaan ayaa Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya xabsiga u taxaabeen Wariye Xamza Mohamed iyo Sawir qaade la socday, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen degaanada ay gacanta ku hayaan Kooxaha Al-sahbaab.

 

LEAVE A REPLY