DEG-DEG: Madaxweynaha Hir-shabeelle oo gaaray magaalada Baladweyne

DEG-DEG: Madaxweynaha Hir-shabeelle oo gaaray magaalada Baladweyne

SHARE

Madaxweynaha Mamaulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Madaxda maamulka Gobolka iyo kan degmada sidoo kale dadka Baladweyne qaar ayaa madaxaweynaha soo dhaweyntiisa ka qeyb galay.

Wafddiga ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka kuwa Hirshabeelle iyo musharrixiintii uu xilka kaga guuleystay qaar ka mid ah.

Waxaa lagu wadaa in Dadweynaha Magaalada Baladweyne qeybahooda kala duwan uu la kulmo sidoo kale Odayaasha dhaqanka ayuu qorshuhu yahay in uu la kulmo.

Waa booqashadiisii ugu horreysay tan iyo doorashadiisii,waxaana lagu wadaa in magaaladaasi ay ka dhacdo caleyma saarka maadxweynaha cusub ee Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY