Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeele ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaldaa Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana soo dhaweeyey xubnaha ugu sareeya maamulka gobolka Hiiraan iyo shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyn.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho waxgaradka reer Hiiraan iyo dadka diidan dhismaha maamulka Hirshabeele.
Cosoble ayaa booqasho ugu tegey hotelka uu ka degen yahay magaalada Beledweyne Ugaas Xasan Ugaas Khaliif hase yeeshee ma jiro wax wadahadalo ah oo ay yeesheen.