War saxaafadeed : Madaxweynaha jubbalad oo soo dhaweeyey una hambalyeeyey xubnaha aqalka...

War saxaafadeed : Madaxweynaha jubbalad oo soo dhaweeyey una hambalyeeyey xubnaha aqalka sare ee Jubbaland

SHARE

Madaxweynaha jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu soodhaweynayaa doorashadii xalaasha ahayd ee ay maanta baarlamaanka Jubbaland ku doorteen xubnaha aqalka sare u matalaya Dowlad Goboleedka Jubbaland ayada oo noqoneysa tallaabo horey loogu qaadey doorashada 2016-ka ee soomaaliya.

Doorashadan oo si xalaal ah u dhacdey waxaan ugu hambalyeynayaa xubnaha ku guuleystey kamid noqoshada aqalka sare ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya aniga oo ilaahey uga baryaya inuu ku garab galo kuna guuleeyo masuuliyada loo igmadey.

Madaxweyne Axmed Islaam ayaa si gaar ah ugu hambalyeey halka kursi ee ay dumarku ku guuleysteen “waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa marwo fadumo gariyo oo kaligeed nasiib u yeelatey inay buuxiso qeybta haweenka ee matalaada aqalka sare.

Madaxweynaha jubbaland ayaa u mahad celiyey ciidamada amaanka ee jubbaland qeybahooda kala duwan ee sugayey amaanka goobta ay ka dhaceysey doorashadu iyo guud ahaan magaalada.

Ugu danbeyn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu bogaadiyey kuna amaaney gudiga doorashada heer federal iyo heer dowlad goboleedba sida habsamida leh ee ay doorashada aqalka sare ee jubbaland u qabsoontey .

LEAVE A REPLY