Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay shir aan caadi ahayn “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay shir aan caadi ahayn “SAWIRRO”

SHARE

Kulankan uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ee ku saabsan horumarinta iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka) ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada dowadda Federaalka ah ee xubinta ka ah SDRF, xubno ka socday dawlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Benadir waxa kale oo goob joog ahaa wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo wakiilada dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka horumarka.

Shirka oo ah mid bile ah, oo bishiiba mar la qabto ayaa diiradda lagu saaray waxyaabaha u qabsomay dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada guud ee bulshada, iyadoo mas’uuliyiintii ka socday dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo maamulka gobolka banaadir ay madasha ku soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay, oo ay ku jirto sida loogu diyaar garoobay hanaanka doorashada dadban ee dalka.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa hoosta uga xariiqay in dowladda federaalka ah ay ku tallaabsaday horumar dhinacyo badan leh, isla markaana shirka ku soo bandhigay qorshaha Qaranka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte kulanka soo xiraym isla markaana u waramay Warbaahinta Qaranka shirka kadib ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay askarta iyo shacabka ku geeriyooday weerarkii shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo kuwa ku dhaawacmay weerarkaasi.

Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo Madaxda cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ee dhawaan doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in shirkii maanta looga hadlay arrimo muhiim ah, isla markaana Wasaaradda Qorsheynta ay soo bandhigtay qorshaha Qaranka oo ay soo dhaweeyeen xubnihii ka qeybgalay, isla markaana uu ahaa qabyo qoraal, kaasi oo la dhameystiri doono.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa dowlad goboleedka Galmudug ugu hambaleeyay inay noqoto dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee soo dhameystira dhismaha xubnaha aqalka sare u matalaya, halka maanta la dhameystiray xubnaha aqalka sare u matalaya dowlad goboleedyada Koonfurgalbeed iyo Jubbaland.

vlcsnap-2016-10-19-18h50m46s809vlcsnap-2016-10-19-18h51m15s217vlcsnap-2016-10-19-18h51m27s242vlcsnap-2016-10-19-18h51m34s879vlcsnap-2016-10-19-18h51m40s841vlcsnap-2016-10-19-18h51m46s142vlcsnap-2016-10-19-18h52m33s200vlcsnap-2016-10-19-18h52m45s713vlcsnap-2016-10-19-18h52m51s815

LEAVE A REPLY