Muwaadin Soomaaliyed oo 19 sano u xirnaa si xaq darro ah oo...

Muwaadin Soomaaliyed oo 19 sano u xirnaa si xaq darro ah oo dib u helay xurriyaddiisa (Daawo Sawirro)

SHARE

Waxaa maanta dib xurnimadiisa u helay Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo muddo 19 sano ah ku xirnaa dalka Talyaaniga, iyadoo loo heystay in uu ka dambeeyay gabar weriya ah oo u dhalatay Talyaaniga oo lagu dilay magaalada Muqdisho 1994-kii.

Maxkamad ku taalla magaalada Perugia ayaa ku dhawaaqday in Xaashi lagu waayay dambigii lagu soo oogay isla markaana mudadaas dheer uu xaq daro ugu xirnaa Talyaaniga.

Xaashi Cumar Xasan ayaa sheegay inuu ku Faraxsan yahay inuu xoriyadiisa dib u helo, isagoo u mahad celiyey qareenadii iyo dadkii kale ee ka qeyb qaatay sidii uu xukun cadaalad ah u heli lahaa.

Sidoo kale Xaashi Cumar Xasan ayaa u Mahad celiyay Ummadda Soomaaliyeed ee u dooday intii uu xirnaa, wuxuuna xusay inuu filayey maalin mahaha ka mid ah ay cadaaladu shaqeyn doonto.

Xaashi ayaa waxaa loo heystay dilkii loogu muqdisho 20 kii Maarso 1994-tii Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin oo ah suxufiyiin Talyaani ah.

Xaashi Cumar ayaa ku eedeysnaa inuu ka mid ahaa kooxdii mas’uulka ka aheyd mu’aamaradii lagu dilay 2-da suxufi ee Talyaaniga ah.

xaas

xaas1

xaas2

xaas3

xaas4

xaas5

LEAVE A REPLY