Mar Labaad Turubka Nus!!! Qormo Xiiso Badan

Mar Labaad Turubka Nus!!! Qormo Xiiso Badan

SHARE

Awel waxaa la dhihi jiray sanooyin ka hor arimaha jira iyo cidda Madaxweyne noqonaysa lama saadaalin karo, laakiin beryahaan dadka badankiisa shakiba kuma jiro waana la yaabay qof ahaan, waxayna kuu sheegayaan in Xasan `sheekh uu yahay madaxweynaha 4ta sano ee soo socota.

Sabab haddii aad dadkaas ku tiraahdo waxay ku leeyihiin ” isaga ayaa dheriga guranaya kaligiis ayuuna goosaaranayaa”waxaana laga yaabaa in uu kaligiis cuno sidii looga bartay.

Bal sii jilciya hadalka haddii lagu sii yiraahdana waxay dadkaas leeyihiin ninkaan waxa markii hore uu gadaashiisa ka tuuray baarlamankii Umadda ee arimihiisa qaldan saxi lahaa , mar labaadkiina  waxa uu saynta uga istaagay Maxkamaddii lagu dacweyn lahaa qaladaadkiisa mutaxan, marka sedexaadna waxa uu abuuray Gole gacan ku rimis ah oo uu u bixiyey Madasha wada tashiga oo uu isaga gar wadeen u yahay, sidaas ayuuna  ku noqonayaa madaxeyne mar labaad isaga ayaana nustay xilkaas, cid kale oo kula loolami kartana ma jirto.

Daliilo kale ayaa jira oo kuu muujin kara in Xasan Sheekh Max’uud uu noqonayo Madxweynaha 2016-ka – 2020.

Fiiri gudiga doorashooyinka xubnihiisa waa wada muxaafad shaqaale u wada ahaa madxweynaha, mar kale fiiri sida madxda madasha ay u soo saareen una fuliyeen Awaamirta Mud: Xasan ee ku saabsan qoondada Haweenka, cidna way ka hor imaan waysay in boqolkiiba soddon ay fusho xagga haweenka waxayna soo wada saareen madaxda Madasha xaanshiyo ay ku xardhan yihiin, Magacyada haween fara badan oo aan horay loogu aqoon Siyaasadda Murugtay ee Soomaaliya.

Taana shaki kuma jiro in haweenka soo muuqday iyo codkooduba uu iska leeyahay Madxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa jira rag isku dayey in ay fara laabaan qoondada haweenka iyo qaylo dhaantoodaba laakiin waxaa gaashaanka u daruuray oo dagaal cad kala hor tagay dad danimada haweenka qiimeeya oo uu ugu tun wayn yahay Madxweyne xasan iyo koox culumaa’udiin ah  oo iskaba iloobay tilmaanta guud ee  shareecada islaamka isla mar ahaantaasna haweenka u qiray in ay wasiir noqdaan iska daaye xitaa yiri waxay noqon karaan Amiir Guud.

Waxay ku doodeen raggaas in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwii badbaadiyey qoysas fara badan oo dhulka ka hoos mari lahaa xiliyadii xumaa ee la soo dhaafay haddii la isaga dhex baxi lahaa iyaga iyo Maqaadiirta Alle, waxayna Haweenka ugu yeereen in ay yihiin Badbaadiyayaal Umadeed

Waxaa kale oo jira shaqooyin hoose oo aanan doonayn in aan carabka si cad ugu muujiyo kana mid yihiin ragga isa soo sharaxay oo doonaya codadka ay helaan in ay ugu shubaan Maxweyne Xasan marka ay doorashada gabagebo marayso Iibsi ama gorgortan kale oo siyaasadeed macnaha xilal loo balan qaado.

Intaas waa jirtaa iyo into kale waxaanse kuu hayaa sheekooyin kale oo ka sii muhiimsan kuwaan aan kuu sheegay waase mar kale, waxaanse aqristoow ku leeyahay Mar Labaad Turubka Waa Nus Ee Talo looga Hortago Ma Haysaa.

W/Q: Lixle

LEAVE A REPLY