Madaxweynaha: “Looma dulqaadan karo in cadowga uu maalin cad soo weeraro shacabka...

Madaxweynaha: “Looma dulqaadan karo in cadowga uu maalin cad soo weeraro shacabka iyo ciidanka Afgooye"

SHARE

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa canaan kulul u jeediyay Wasiirada iyo Taliyeyaasha Amniga, maalin kadib markii Al-Shabaab weerar lagu hoobtay la beegsadeen degmada Afgooye oo 30 Km dhinaca koonfureed kaga aadan magaalada Muqdisho

Maanta oo Arbaco ah, Kulan deg deg ah ayaa ka dhacay aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Amniga Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga, Taliyaha NISA, Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Taliyaha AMISOM iyo saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Madaxweynaha xilka haya ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in maalin cad la soo weeraro shacabka iyo ciidanka ku sugan degmada Afgooye.

“Looma dulqaadan karo in cadowga uu maalin cad soo weeraro shacabka iyo ciidanka Afgooye, Waxaana ku amray in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadii shalay ay kooxaha nabad-diidka ku soo weerareen degmada Afgooye”ayaa lagu qoray barta Facebook ee Madaxweynaha, loona baahan yahay in Laamaha ammaanka  dardargeliyaan howlgalka lagula jiro Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkaaan la wareegaayay deegaano cusub, oo ay faarujiyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda hada jirta in ay sii lumineyso deegaano la xoreeyay afar sano ka hor, isla markaana Al-Shabaab ay maalin cad soo weerareen degmada Afgooye oo ay saldhigyo ku lahaayeen ciidanka dowladda iyo kuwo ka tirsan AMISOM.

Shalay ayay ahayd, markii kooxo ka tirsan Al-shabaab ay in muddo ah la wareegeen degmada afgoooye kaddib markii ay weerar ku billaawday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku qadeen fariisimo ku yaalay degmada Afgooye

 

LEAVE A REPLY