Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo markii ugu horeysay ka amba baxay Jowhar + Sawirro

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo markii ugu horeysay ka amba baxay Jowhar + Sawirro

SHARE

Wafdi uu  hoggaaminayo Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Hir-shabeele, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa markii ugu horaysay ka soo tagay magaalada Jawhar oo ah meeshii lagu caleemo saaray, isaga oo ku soo jeeda magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmi doono beesha caalamka, qaybaha bulshada ee isaga taageera, iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka.

Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble oo wafdiga la socdaa ay ka mid yihiin Aqoon yahanno, Xildhibaanno dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ah ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Markii ugu horeysay ayaan ka amba baxayaa Jowhar waxaan ku sii jeedaa Magaalada Muqdisho, halkaasi waxaan kula kulmi doona beesha caalamka, waxaan kale oo la tashi la sameyn doonaa bulshada labada gobol waxaa bilowday halgankii hirgelinta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle” ayuu yiri Madxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo Warbaahinta Qaranka kula Hadlay Garoonka Diyaaradaha Jawhar ayaa ka hadlay u jeedka Safarkiisa,isaga oo tilmaamay in uu haatan biloowday hirgelinta Maamul goboleedka Hir Shabeelle isla markaana uu wada tashi ballaaran la yeelan doono dadka labada gobol ku dhaqan.

Isniintii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Cali C/llaahi iyo Ku xigeenkiisa lagu doortay magaalada Jawhar.

img_0192img_0194
img_0194img_0195img_0197img_0197_1img_0199img_0200img_0201img_0202img_0206

LEAVE A REPLY