Laakiin !! Maxaa Dhacay? Weli Waxaan Arkaa In Aad Joogto………………………

Laakiin !! Maxaa Dhacay? Weli Waxaan Arkaa In Aad Joogto………………………

SHARE

Waan ku sugaa weligay, Xittaa haddii aad iska kay iloowdo, oo aad ka gadaal marto Buuraha dunidaan ugu dhaadheer, adiga oo u qasdaya ama aan u qasdayn!!!

Waan Xusuustaa weli habeenkii isugu kaaya dambaysay haddii aadan I dafirayn wixii aad ku hadaaqaysay, markii aan ku lahaa Amore !!  mar haddii aad u boqoolayso Galbeedka Yurub hortaada u Nin doono, anigana Tu kaloo ii qalanta ayaan Muqdisho ka daydayan doonaa, maadaama aan kala fogaanayno in badan, xiisaha aan haatan isu haynana uu yaraan doono.

Waan garanayaa Ilintii kululayd ee ay kaa keentay weedhaas aan kugu iri iyo jawaabtaadii ahayd:  Maya Macaanka sidaas ha I dhihin, Anigu kaama maarmo meel kasta oo aan joogaba waxaan kuu balan qaadayaa 6 Bilood ka dib in aad isku dhex arki doonto halka aan Yurub kaga noolahay, taas oo labadeenaba baraare noo ah.

Waan ogaa in hadalkaas uu kaa keenay Caadifad aan jirin iyo laab la kac aan ka fiirsi fara badan lahayn, waxaan dareemayey in wax kasta oo aad dhahaysay aysan ku imaanayn sida aad markaa sawiranaysay, oo ay wax waliba kaa ahaayeen wax ay kaa keeneen xiliyadii aan isla soo wada qaadanay ee macaanaa oo weli laabtaada ku harsanaa xusuustooda

Kuma dhahayo wixii aad qufaysay habeenkaas oo dhan waxay kaa ahaayeen qayaano Mutaxan oo aad naftayda ku halgaadaysay,laakiin waxaan kaaga dhexgalay hadaladaadii wada Caadifadda ahaa Maahmaahdii ahayd “Nin Rag Ah Waxaa Xira Balan Naagna Xarig” taas oo aan ula jeeday Baraarujintaada oo kaliya.

Waan dareemayaa in dhagahaagu ay is dhaafiyeen Maahmaahdaas, kana door-biday sida aad wax u doonaysay in aan wax kaaga maqlo dib dambe iyo sida ay wax noqon karaana aan is mootiyo.

Laakiin “SH” Maxaa Dhacay weli waxaan arkaa in aad joogto Galbeedka Yurub, waxaan dareemayaa in aadan dan iyo Heello iga lahayn oo aad u nooshahay sidii qof madax banaan oo aan ahayn xillo rageed.

waan ogahay in aad ii soo dirtay codsi aad iiga dalbanayso Furriin, laakiin iima aadan sheegin sababta?

Ma ogi in aad iloowday wacadkii iyo habeenkii isugu kaaya dambaysay oo aad la ilmaynaysay weerahaygii runta ku dhisnaa ee aan kaga hadlayey mustaqbalka soo socda iyo waxa dhici kara iyo sida ay arimuhu ku wanaagsan yihiin maadaama aan markaasi kala baqoolaynay.

Waa khalad aan sax ahayn wixii aan habeenkaas kugu tuugayey in aad 4 sano ka dib aad adigu iga tuugto, Ma kuu sheegaa? Mise waan ku soo xusuusiyaa wixii na dhex maray oo dhan? Maya – Maya looma baahna dib u soo celinta weerihii na dhex maray sanado ka hor Waayo? Waxaan ogahay wixii la isku ogaa waa uun Fulin!!! Wixii kalana waa dulmi iyo jawr fal aan haboonayn in la iskula soo hor kuffo

Kaalay adigu ma adigaa I samaystay? Mise waxay kula tahay in aad iga dhigan karto hadba sida aad doonto? Maya – Maya  in arintu sidaas ay noqonayso waan malaynayey, laakiin adigu wax kastaa waxay kuula ekaayeen in ay ku ibobeelayaan hadba sidaad adigu rabto taasna waa kugu beenoowday.

Bal ogoow mar kale Garasho u yeelashada waxii la soo dhaafay waxay kuu fududeeysaa Garsho u yeelashada waxa la joogo,

Sidoo kale Garasho u yeelashada waxa la joogana waxay kuu fududeeysaa Garsho u yeelashada waxa soo socda mustaqbalka dhaw iyo weliba kan fogba.

Haddaba isku xishoo marka hore ,marka xigana eeg waayihii aan isla soo marnay iyo haatan sida aan ku kala suganahay, dabadeedna saar Miisaan cadaaladeed, maxsuulka kuu soo baxana kaligaa dib u akhri haddii aad leedahay dib u arag maskaxeed oo caafimaad qaba, sida ay kula ahaatana wax ku xukunso iina soo sheeg go’aankaaga runta ah iigana cudur daaro waxaad ismoodsiisay iyo khaladaadkaaga, ka dibna raali ku ahaaw wixii dhankayga ka yimadaada xumaan iyo samaan.

Waa Dareen Caashaq.

Waxaa Qoray: Abtigay

 

LEAVE A REPLY