Galmudug iyo Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Warka ka soo...

Galmudug iyo Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Warka ka soo yeeray Itoobiya

SHARE

Xili dhawaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya boggeeda rasmiga ah lagu qoray war sheegayo in heshiis xabad joojin ah la dhex dhigay labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, ayaa haddana, waxaa warkaasi been abuur ku tilmaamay, maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed, ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in labada dhinac lagu heshiisiiyo, balse weli aysan kulmin, aysan wax ka jirin warka ah in laga heshiiyay colaadda Gaalkacyo.

Wasiirka Deegaanka  Maamulka Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa isna tilmaamay in uusan jirin heshiis ama kulan dhexmaray labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland.

Hadalladda labada maamul, ayaa imaanaya kaddib markii war lagu qoray bagga ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya lagu sheegay in dhinacyda ay qateen heshiiskan nabadeed, isla markaana coladdii Gaalkacyo xal laga gaaray.

Waxaa warkan ka soo baxay Itoobiya lagu xusay in Puntland iyo Galmudug ay fullin doonaan heshiis xabbad joojin ah iyo inay ka fogaadaan wax kastoo colaadda kicin kara.

Warka qoraalka ah eek a soo baxay, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga wasiirada ay ka qeybgalayaan shir laba geesood ah oo ay qaban doonaan hogaamiyayaasha Madasha Qaranka Soomaaliya.

Warka Itoobiya laguma sheegin halka ay wadahadallada ka dhaceen iyo cidda ka qeybgashay, bishii December ee 2015kii ayaa waxaa laba dhinac heshiis kala dhex dhigay dowladda Federaalka Somaaliya.

Sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee UNHCR, ugu yaraan 50,000 oo qof ayaa ka qaxay dagaalkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY