DEG-DEG : Al-Shabaab oo soo bandhigay askar ka soo goosatay maamulka Jubba...

DEG-DEG : Al-Shabaab oo soo bandhigay askar ka soo goosatay maamulka Jubba (Sawirro)

SHARE

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay, ciidamo ka soo goostay maamulka Jubbaland oo ku biiray dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo ciidanka ay soo bandhigeen Al-Shabaab ay gaarayaan 6 askari oo watay Qoryo iyo tuutaha ciidanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay mid ka mid ah Askarta ay kusoo bandhigeen degmada Jilib  in uu soo dilay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland ka dibna uu isku soo dhiibay Ciidanka Al-shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaanan weli ka hadlin Askartaan la sheegay in Maamulkooda ay ka goosteen ee Shabaabka isku dhiibay, mana jirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo xaqiijisay in askataasi ay ka tirsan yihiin ciidanka Jubbaland

jubjub1jub2jub3jub4jub5

jub

LEAVE A REPLY