XOG:Dowladda Itoobiya oo xabad joojin kala dhex dhigtay Galmudug iyo Puntland

XOG:Dowladda Itoobiya oo xabad joojin kala dhex dhigtay Galmudug iyo Puntland

SHARE

Iyadoo horay Puntland ay u diiday inay wadahadal la yeelato guddi wasiiro ah oo Galmudug ka tirsan, isla markaana ay ka gaabsatay inay taageerto waanwaantii uu waday Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, ayaa haddana,Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ay shaacisay maanta heshiiska saraakiisha Federaalka dalk Itoobiya ka dhex dhaliyeen maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku saabsan xiisada Gaalkacyo.

Bogga rasmiga ah, ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Itoobiya ayaa lagu qoray Qodobadda heshiiska. waxaana ka mida ah qodobadaasi sida tan:-

– Xabad joojin labada dhinac dhex marta iyo inay ka dhowrsadaan tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac.
– In la hakiyo dhismaha suuqa xoolaha ee Puntand la waday magaalada Gaalkacyo.
– Garoonka diyaaradaha Galmudug ee Gaalkacyo loo ogolaado inuu shaqeeyo.
– In la dhiso Guddi wasiiro isku dhaf ah oo shir ku yeesha magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan madaxda Madasha Qaran.

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ku howlanaa waan waan lagu soo afjarayo xiisadda labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, inkastoo maamulka Puntland uu ka gaabsaday in uu taageero waanwaantaas.

Waa arrin Qatar ku ah. madax banaanida dalka Soomaaliya. in heshiiska magaalada Gaalkacyo laga shaaciyo Adis ababa, xilli Puntland ay eedeysay dowladii Federaalka isla markaana ay diiday wadahadal toos ah oo ay la gasho maamulka Galmudug.

Dowladda Itoobiya ma sheegin cidda heshiiskaasi ka shaqeysay iyo goobta lagu gaaray midna, waxaana war kooban oo lagu qoray Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya lagu sheegay in saraakiisha dowladda Federalka Itoobiya ay heshiiskan dhex dhigeen Puntalnd iyo Galmudug, si loo soo afjaro xiisadda ka taagan labada maamul.

LEAVE A REPLY