Waa sidee xaaladda degmada Afgooye

Waa sidee xaaladda degmada Afgooye

SHARE

Xaaladda degmada Afgooye ayaa ah mid deggan kaddib markii  Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, ay caawa dib ula wareegeen gacan ku heynta Degmada Afgooye

Ciidamo badan oo isugu jira Nabad Sugid iyo milatari oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa caawa gaaray degmada Afgooye , halkaas oo galabta ay weerar xoogan kusoo qaadeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab..

Gurmadka  gaaray Degmada Afgooye ayaa isku fidiyay qeybo kamid ah Degmada, waxa ayna ciidamadaan ay gurmad xoogan u fidiyeen ciidamo kale oo dowlada katirsan oo halkasa ka dagaalamayay.

Al-Shabaab ayaa la wareegtay qeybo badan oo kamid ah degmada Afgooye kadib markii dagaalyahano katirsan kooxdaasi weerar isugu jiray is qarxin iyo mid toos ah kusoo qaadeen qeybo badan oo kamid ah Degmada Afgooye.

Ibraahin Naajax oo ah Guddoomiyaha G/Sh/Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay Guud ahaan Gacanta ku hayaan Magaalada Afgooye, waxa uunta intaasi ku daray in Al-shabaab ay joogaan meel aan sidaa uga Fageyn Degmada Afgooye.

Dagaalkii maanta, dadka ku dhintay  waxaa kamid ah Col. Axmed Cabdulle Gorod oo kamid ah Saraakiisha Booliska iyo Maxamuud Daahir Qooleey oo ka tirsanaa Maamulka Koofur Galbeed gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in meydad badan ay yaalaan qeybo kamid ah degmada Afgooye, waxaana jira qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka iyo qaraxa xoogan ee ka dhacay Degmada Afgooye, balse lama oga qasaaraha inta uu yahay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay weerarka Afgooye ayaa isugu jira dhinacyadii dagaallamayay iyo dad rayid ah. Iyadoo dadkii ku dhaawacmay loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si ay u helaan adeeg caafimaad.

Xaaladda degmada ayaa caawa deggan, inkastoo dadka Deegaanka ay cabsi badan ka muujinaya sida ay tahay xaalada Degmada Afgooye oo caawa aan caadi aheyn, maadaama gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay Dagaal culus, oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

LEAVE A REPLY