Odawaa Oo ku baaqay in la soo dedejiyo Liiska Xubnaha Aqalka Sare...

Odawaa Oo ku baaqay in la soo dedejiyo Liiska Xubnaha Aqalka Sare Ee Hirshabeelle

SHARE

Wasiirka ayaa madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay soo gudbiyaan xubno ka soo dhalaali kara waajibaadka aqalka sare ee dowladda Soomaaliya, si dalka looga samata bixiyo xaaladda adag ee uu ku jiro.

Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa xusay in qoondada haweenka ee xubaha aqalka sare ay tahay mid lama tab taan ah.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Qaar ka mid ah gobollada dalka waxaa ka socdo doorashooyinka xubnaha aqalka sare ee dowladda Soomaaliya, sidaa daraadeed waxaa madaxda maamulka Hir-shabeelle ugu baaqeynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gudbiyaan liiska xubnaha aqalka sare ee maamulkooda.

Sidoo kale qoondada haweenka ee 30% waa in laga helaa xubnaha ay soo xulayaan”.

iyadoo xubnihii lagu doortay Cadaado ay goob joog ka ahaayeen doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle, ayaa haddana Maamulka Gal-mudug uu noqday maamulkii u horeeyay ee soo doortay xubnaha Aqalka sare u matalaya dowladda Soomaaliya.

Related

LEAVE A REPLY