Deg Deg: Dagaal u dhexeeya Dowladda iyo Shabaab oo Afgooye ka qarxay

Deg Deg: Dagaal u dhexeeya Dowladda iyo Shabaab oo Afgooye ka qarxay

SHARE

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerareen xarrunta saldhigga degmada, halkaas oo laga maqlayo rasaaas xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo bilowday salaadii casir ka dib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay dhowr jiho ka soo galeen degmadaas, waxaana dagaalka ka hor la maqay qarax aad u weyn oo gilgilay degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab ay qabsadeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye oo uu ku jiro suuqa ganacsiga degmadaas iyo qeybo kale oo ka tirsan bartamaha degmada, iyadoo dagaalku xoogiisu ka socdo halka loo yaqaano Mukayga.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aden ayaa BBC-da u sheegay in dagaal dhawr jiho ah lagu soo qaaday degmada Afgooye isla markaana uu dagaalkaasi xoogiisu hadda ka socdo xarunta degmada iyo saldhiga booliska.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco boggan wararkeea ugu soo horeeya insha Allaah

LEAVE A REPLY