Tifaftirihii Wargeyska Xog-ogaal oo maalintii Labaad u xiran Hay’adda NISA

Tifaftirihii Wargeyska Xog-ogaal oo maalintii Labaad u xiran Hay’adda NISA

SHARE

Maamulka Wargeyska Xog-ogaal ayaa sheegay inuu maalintii Labaad xiran yahay Tifaftirihii Wargeyskaasi, Cabdi Aadan Guuleed, kaasi  oo ay Ciiddan ka tirsan Hay’adda NISA habeen hore ka qabteen Xarunta Wargeyskaasi ku leeyahay magaalladda Muqdisho.

Madaxa Daabacadda ee Wargeyska Xog-ogaal, Maxamed Maxamuud Aadan oo saakayto la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inuu Tifaftiraha Xog-ogaal weli xiran yahay, isla markaana aysan maalintii Labaad wax shaqo ah ka soconin Xarunta Wargeyska, maadaama ay NISA qaateen Qalabkii lagu daabici jirey Wargeyskaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan ogeyn sababaha loo xiray Tifaftiraha, loona joojiyery shaqada Wargeyska Xog-ogaaal.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibrahim Macallimu iyo Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Madaxa Bannaan ee SIMHA, Xasan Cali Geesey ayaa ku baaqay in la sii daayo Tifaftiraha Wargeyska Xogogaal, Cabdi Aadan Guuleed.

Wargeyskaasi ayaa ka mid ah Wargeysyadda fara-ku-tiriska ee soo shaqeeyey tan iyo muddadii lagu jiray Dagaalladda Sokeeye,waxaana la asaasay muddo haatan laga joogo 26-sanno.

LEAVE A REPLY