Maxaad ka ogtahay Sidii ay isku qurxin jirtay Boqoraddii Masar ee Kiilopatra...

Maxaad ka ogtahay Sidii ay isku qurxin jirtay Boqoraddii Masar ee Kiilopatra "Sawirro"

SHARE

Marka hore aan is weydiino maxay ahayd Kiilopatra? Waxay hayd Boqoraddii ka talin jirtay Dhulkii Masaaridii hore gaar ahaan Magaalada Alexandria, waxaana lagu qiyaasaa xilligaasi August 12-keedii, 30 B.C.ama dhalashadii Nabi Ciise ka hor, waxayna nolosheeda ku dhamaysatay Boqoraddu dhulka Masaarida gaar ahaan Magaalada Alexandria, waxayna ahayd Boqoradii Todobaad ee Masaaridii hore.

Kiiloopatra waxa ay door wayn ka soo qaadatay difacidda xorriyadda Dhulka Masaaridii hore intii ay nooleyd, waxay dagaalo la gashay Wadamo badan sida Romankii hore, waxaaa lagu xaman jiray inay quruxdeeda kaga faaidaysan jirtay la dagaalanka kuwa ka soo horjeda iyadoo u istcmaali jirta sida hubka oo kale, maadaama ay aad u qurux badnayd, waxaana la sheegaa inay ku hadli jirtay in ka badan 12 luuqadood, waxayna taqaanay Maadooyinka Xisaabta, philosophy, oratory astronomy ama xidigiska.

Boqoraddii 7-aad ee Masaaridii hore Kiilooperta waxay nolosheeda ku soo qatinta in ay is qaniinsiiso Maska loo yaqaan Kobraha Masaarida, iyadoo markaasi ka cabsi qabtay in la qabto.untitled-7

Haddaba haddaan u soo laabano dulucda qormadaan ayaa ahayd qaabka ama sida ay isku qurxiso Boqaradii Masaaridii hore Kiiloopatra, waxaana la isla qiray inay qurux badnayd.waxayna ahayd haweeneydii ugu quruxda badneyd waddanka Masar, taasoo ay damceen boqoro iyo taajiriin waaweyn quruxdeeda oo ay la dhaceen awgeed.milk-bath

Ma og tahay oo ma la socotaa qaabka Boqorad Kiilopatra ay quruxdeeda ku sii bili jirtay oo ay marsan jirtay ama ay samaeyn jirtay, waana la sheegaa inay ku qubeysan jirtay caano si ay u hesho maqaar aad u qurxoon oo isla markaana iftiimaya.

Haddaba haweenka Masaarida ayaa si gaar ah waxay u leeyihiin hab ay isku qurxiyaan oo yaab leh, taasoo la aaminsan yahay inay ka dhaxleen ama ay uga daydeen boqoradii hore ee ka arrimi jirtay Masar oo la oran jiray Kiiloobatra.

Dumarka reer Masar, waxay dacarta u isticmaalaan qurxinta jirka iyo timaha, waxaana la og yahay faa’iida dacartu ay u leedahay timaha iyo maqaarka waxaa kaloo ay isku dardaraan malab iyo caano oo ay u adeegsadaa jirka ah ka hor inta aysan qubeyska aadin, waxay marsadaan caanaha iyo malabka ay isku dareen, waxayna sugaan dhowr daqiiqo illaa waxyaabahani ay si rasmi ah u qooyaan jirkooda.

Hablaha Masar waxaa kaloo ay isticmaalaan gaar ahaan timahooda u isticmaalaan caanaha, qumbaha iyo subaga la yiraahdo shea butter, waxayna ku qurxiyaan timahooda.

Haweenka reer Masar waxay rumeysan yihiin in jirka oo lagu rugo biyaha iyo cusbada badda ay ka caawineyso inay meesha ka saaraan lakabyada unugyada dhintay ee maqaarka kadibna ay jirkaaga ka dhigayaan mid dhalinyar oo ifaya, waxay kaloo ay aaminsan yihiin in cabitaanka shaah fenugreek ama jirka la marsado mirihiisa inay jirkooda ka dhigi karto mid caafimaad leh oo qurxoon.sea-salt-body-and-face-scrub

Haddaba si aad ugu muuqato dhalinyaro oo aad uga hortagto astaamaha waayeelnimada sida laalaabka wejiga iyo qoorta, haweenka reer Masar waxay isticmaalaan saliida lowska oo ay wejiga marsadaan, iyadoo saliidda lowsku ay jirka kala fidiso, kana hortagto astaamaha duqnimada, waxaase ugu sii yaabka badan Dumarka reer Masar, waxay ciddayaha ku qurxiyan cillaan, qaarkoodna timaha ayayba marsadaan, halka kuwo kalena ay faruuryaha marsadaan, iyadoo sunniyaha iyo baararkana ay ku quruxsadaan saliida lowska oo la gubay.rinse-face-with-apple-cider-vinegar

LEAVE A REPLY