Clinton oo War culus ka soo saartay Qaraxyo Lala Dacsanaa Soomaalida

Clinton oo War culus ka soo saartay Qaraxyo Lala Dacsanaa Soomaalida

SHARE

Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton ayaa si kulul u cambaareysay weerar lala damacsanaa in lagu qaado dhismo Qaxooti Soomaali ah ay dagan yihiin oo ku yaalla Gobolka Kansas ee Dalka Mareykanka.

Musharax Clinton ayaa ku amaantay Ciidamada amaanka ee Dalka Mareykanka sida ay uga hortageen Weerarkii lagu beegsan la haa Soomaalida ku dhaqan Magaalada Garden ee Gobolka Kansas.

Hillary Clinton ayaa ugu baaqay Shacabka Mareykanka in ay halmeel uga soo wada jeystaan hortaga falalka argagixiso iyo waxa ay ugu yeertay midab takoor.

Saraakiisha Sirdoonka FBI-da Mareykanka ayaa sheegay in 4 Gaari oo laga soo buuxiyay waxyabaha loo diyaariyay Weerarkii lagu qaadi rabay dhismahaasi oo ay dagan yihiin in ka badan 100 Ruux oo isugu jira Haween iyo Caruur.

Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa ugu dambeyn sheegtay hadii ay ku guuleysato doorashada in ay la shaqeyn doonto Ciidamada amaanka iyo Shacabka, islamarkaana ay wax badan ka qaban doonto khatarta Argagixisada.

LEAVE A REPLY