Beesha Caalamka oo ka Walaacsan Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya

Beesha Caalamka oo ka Walaacsan Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya

SHARE

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin ka mid noqoshada ee shakhsiyaadka leh taariikh dhinaca dambiyada ah, rabshadaha iyo argagixisada o liisaska murashaxiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka lagu daray kaa oo  madaxda qaar ee maamul goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ay soo xusheen.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in cid waliba oo kasooq eyb qaadatay dagaalkii sukeeyay ee dalka laga saaro doorashada Soomaaliya,Somaaliya ayaa u diyaar garoobaysa waqti iyo waji cusub ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

Ergada soo xulaysa barlamaanka wa inay ka feejignaadan dadka ku lugta lahaa dagaalka sukeeye Soomaaliya.

Saaxiibada Soomaaliya waxa ay doonayan hay’ado lagu kalsoon yahay iyo shaqsiyaad aan danbi dalka ka galin oo kusoo baxa doorashada,waa in la soo saara dad sumcad ku leh bulshada guud ee Soomaaliya si loo helo xukuumad iyo barlamaan xalaal ah.

Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya Mejal Keating ayaa sheegay in ay didan yihiin musharixin xubinimada aqalka sare ee Barlamaanka kuwaasi oo ku lug leh mid kamid ah dhacdooyinki ugu xuma ee xaquuqda bini adanimada ka dhanka ah ee ka dhacay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY