Arday Muddo Saddex Sano ah Dhabarka ku geynayay Iskuulka Saaxiibkiis

Arday Muddo Saddex Sano ah Dhabarka ku geynayay Iskuulka Saaxiibkiis

SHARE
PICTURED: Xie Xu and Zhang Chi are both students at Daxu Middle Still in Xuzhou City of east China’s Jiangsu Province.

Arday 18 jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha, ayaa maalin kasta muddo 3 sannadood ah dhabarka ku geynayey fasalka waxbarashada saaxiibkii oo laxaad la’ sida uu daabacay wargeyska Independent ee Ingiriiska ka soo baxa.

Mr. Xie Xu waxa uu dhabarka ku qadaayey Zhang Chi oo ay hayso xaalad keentay in muquryadu awoodi waayeen si uu wax uga soo barto dugsi la yiraa Daxu High School oo ku yaal magaalada Jiangsu oo ka tirsan Gobolka Zhang ee dalka Shiinaha.

“Waxba isuma aha, isku qoysna maaha, laakiin Xie waxa uu arrintan samaynayey muddo saddex sannadood ah, waana ardayga ugu quruxda badan dugsiga, isagoo waliba tallaabo wanaagsan u horseeday ardayda oo laf ahaantoodu caawiya Zhang, waligiina Zhang fasal kaliya kamuu habsaamin ardayda dartood.” Sidaa waxa yiri ku xigeenka maamulaha dugsigaas Mr. Guo Ghunxi.

Dhacadadan cajiibka ah ayaa su’aalo ka dhex dhalisay dalka Shiinaha, taasoo dibadda u soo saartay xuquuqda dadka laxaadka la’ waxaanay arrintaasi keentay in Zhang caawimo ku helo, saaxiibkiinna u gudbo hammigii ahaa inuu wax ka barto machadka Nanjing Polytechnic Institute.

“Dunida oo dhan qiyaas dhan 243,000 carruur ah oo laxaad la’ gaarayna da’dii dugsiga ayaan goobaha waxbarashada tegin.” Sidaa waxa lagu sheegay warbixin waaxda Maraykanka u qaabilsan xuquuqal-isaanku soo saartay, taasoo caawisa dadka laxaadka la’.

PICTURED: Xie Xu and Zhang Chi are both students at Daxu Middle Still in Xuzhou City of east China’s Jiangsu Province.

Xie Xu and Zhang Chi are both students at Daxu Middle Still in Xuzhou City of east China’s Jiangsu Province.

chinese2

LEAVE A REPLY