XOG: Al-shabaab Oo Duulaan Ku Ah Magaalada Cadaado

XOG: Al-shabaab Oo Duulaan Ku Ah Magaalada Cadaado

SHARE

Warar hoose oo ay heshay Wakaaladda Wararka ee Warqaad.com ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay diyaarinayaan qorshe ay ku weeraraan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Xogta ayaa tilmaameysa in Al-shabaab ay abaabul ka wadaan deegaan 90 Km u jira Cadaado, balse lama oga weerarkaasi inuu yahay mid magaalo qabsi ah ama inuu yahay midkii Al-shabaab looga bartay ee Halka mar jugta ah.

Weerarkaan ayaa waxay kooxdu qorsheysay iney ka qeybqaataan gaadiid is qarxin loo adeegsanayo, balse waxaa xogtan durba si hoose u helay sirdoonka Galmudug oo difaacyo adag galay.

Galmudug ayaa dhankeeda dooneysa in kahor inta aaney Al-shabaab soo qaadin weerarkaasi meeshooda looga hortago, laguna weeraro si dhibaato aaney u arag Cadaado.

Al-shabaab ayaa wada qorshooyin badan oo ka dhan ah magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka, gaar ahaan kuwa hadda ay ka dhacayaan doorashooyinka.

LEAVE A REPLY