Xasan Sheekh Oo Guul Darro Weyn Ku Habsatey

Xasan Sheekh Oo Guul Darro Weyn Ku Habsatey

SHARE

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku habsatey guul darro aad iyo aad u weyn kadib doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Xasan ayaa doonayey inuu aqalka sare ee Galmudug ku guuleystaan xubno isaga ay aad isugu dhow yihiin, islamarkaana la tartama rag uu diidayey iney soo baxaan.

Hase ahaatee wararka waxay sheegayaan in middaasi aaney dhicin islamarkaana dhammaan dadkii Galmudug ee soo bqxay ay noqdeen kuwo aad uga soo horjeeda Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhammaan dadkii shalay kusoo baxay doorashada aqalka sare ee Galmudug waxay noqdeen kuwo aan Xasan Sheekh taageersaneen, waxaana meeshaasi uu ka helay guul darro aad iyo aad u weyn.

Hadda Xasan Sheekh dhanka aqalka sare ee Galmudug wax rajo ah kama qabo, waxaana soo wajahay cabsi aad u daran maadaama siyaasiyiintii saaxiibadiis ahaa ay meesha kasii socdaan.

LEAVE A REPLY