Maxaa xalay ka dhacay dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose..?!

Maxaa xalay ka dhacay dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose..?!

SHARE

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa xalay madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaacay degmada Qoryoolay oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Madaafiicdan oo lala beegsanayey saldhig weyn oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Qoryooley ayaa waxaa la soo sheegayaa in qaarkood ay ku dhaceen xaafado ay ku nool yihiin dad shacab ah.

Khal khal xoogan iyo cabsi fara badan ayaa laga dareemay shacabka degmadaas intii duqeyntaas ay socotay iyagoo ka baqayey in madaafiicdaas ay ku habsadaan guryahooda.

Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa inta laga warqabo ku dhaawacmay madaafiicdan, kuwaasoo lagu daweynayo xarumaha caafimaadka.

Qaar ka mid ah madaafiicdan ayaa la sheegay iney ku dhaceen saldhiga ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmadaas, lama oga khasaaraha ka dhashay balse ciidamada AMISOM ayaa ku jawaabay madaafiic kale oo ay la beegsadeen degaano ku yaalla duleedka Qoryooley oo ay tuhmayeen in laga soo duqeeyey.

LEAVE A REPLY