Howlgalka Maraykanka Ee Soomaaliya Oo Farta Lagu Godey

Howlgalka Maraykanka Ee Soomaaliya Oo Farta Lagu Godey

SHARE

Maamulka Obama ayaa xoojiyey dagaalka qarsoodida ah ee Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay, iyagoo  isticmaalaya ciidamada gaarka ah ee hawlgallada Qaarada Afrika, ciidanka  cirka   iyo xulafadooda Afrika, ujeedaduna ay tahay dagaalka lagu jiro islaamiyiinta ku sugan Geeska Afrika.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaaya saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo aan la shaacin magacyadooda ayaa sheegay in dowladda Mareykanka  dalal  ay Soomaaliya ka mid tahay ay ka joogaan ciidamo aad u farabadan .

Saraakiisha uu soo xigtay Wargeyska New Yorka Times ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka ay bilowday in ay isku shaandheyn  ay ku sameyso Saraakiisheeda ka jooga Qaarada Afrika ka dib markii ay soo baxaan dhaliilo badan oo lagu waxyeelayay dad u badan shacab.

Waxa ay sidoo kale sheegay in marka la eego howgallada dowladda Mareykanka ee Qaarada Afrika in uu sameyn weyn ku yeeshay habdhaqanka dadka Soomaaliyeed oo ku salaysan nidaamka  Qabaa’ilka .

Warbixinta uu qoray Wargeyska New yorka times ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka howgalka Qaarada Afrika gaar ahaan Soomaaliya si qaldan loo isticmlaay, islamarkaana lagu dilay dad shacab ah duqeyn ay geysteen diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka .

Hay’addaha kor kala socda duqeymaha dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale Wargeyska Newyork Times uu kasoo xigtay in howgallada dowladda Mareynkanka ay u baahan yihiin in dib u habeyn lagu sameeyo si aysan saameyn ugu yeelan khilaafka siyaasiga ah ee ka jira dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha diyaaradaheeda ay la beegsanayaan dagaalyahanada islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Galbeedka iyo sidoo kale Geeska Afrika , lakiin waxaa soo baxaayay in howlgaladaasi aan laga gaarin hadafkii ay ka laheyd dowladda Mareykanka.

Saraakiisha uu soo xigtay Wargeyska New yorka Times ayaa sidoo kale sheegay in sababta loo kordhiyay howlagalka dowladda Mareykanka ee Qaarada Afrika  in ay aheyd in la la dagaalamo Xarakada Al-Shabaab , lakiin saraakiishaasi waxa ay sheegeen markii la eego in ka badan boqol Askri oo ka tirsan ciidanka dowladda kenya ee lagu dilay deegaanka Ceelcadde sanadkii hore in aysan muuqan tilaabo lagu jabiyay Al-Shabaab.

Saraakiishaasi ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Mareykanka ay ka welwelsan tahay howlgalkeeda in uu sameyn ku yeesho khilaafka u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY